Caajis dhib maku qabtaa?Xal ayaa laguu helay:

extreme-laziness-3

Inta u badan anaga oo dhan waxaan xiliyo kala duwan dajisanaa hadafyo cusub ama arimo inaan ka gungaarno aan rabno — inta bandanna waan ku guuldareysanaa inaan gaarno hadafyada aan dajisanay.waxee ku dhamaataa inaan nafteena u sheegno inaan hadda diyaar aheyn wali,in aan suubin doono usbuuca soo socdo,bisha soo socoto …sanadka soo socdo.

Waxaa laga yaabaa inaan sii wadno anaga oo niyad u heyno markii aan bilaabeyno.lkn markii aan wax yar oo dadaal aan suubino ,waxaan nafteena u sheegnaa inaan suubinay in nagu filan,waxeyna tahay waqtiga ee qaadanayso arinkaan oo dhan’ ‘in la bilaabo nolol cusub’ mid aad gaabis u ah .

Waa maxay sababta ee mar walbo saan oo kale ee u noqoto?jawaabta aad aye u muuqataa :sababtoo ah waxaan isku daynaa inaan gaarno guulo aad u badan,aad deg deg u ah;sababtoo ah waxaan  ku jirinaynaa mas’uuliyada cusub;maxaa yeelay waxaa adag in la badalo dabeecadaha qadiimaga ah iyo inaan isku dayno sheey cusub.

Kaizen,ama Xeerka Halka-Daqiiqo

Dhaqanka Japan ayaa waxaa jiro ficil ee suubiyaan oo loo yaqaano Kaizen,waxaana ku gudo jiro fikirka ‘xeerka hal-daqiiqo’ si nafta loo hormariyo.

Nuxurka habkaan ayaa ah fikir in qofka uu joogteeyo sameynta sheey hal daqiiqo kaliya ,maalin walbo waqti isku mid ah.sida muuqato, qofna ma ku noqoneyso wax dhib ah gabi ahaan — xataa qofka ugu caajiska badan—in uu suubiyo howl waqti sidaas u yar.halka inta badan aadan u heleynin wax marmarsiyo ah inaad suubisid sheey si ka duwan  marka ee kaa qaadaneyso sameyntiisa saacad barkeeda ama hal saac maalinkii,waxaad awood u yeelaneysaa inaad suubiso adigoo ka horimaaneyn ama culeys ka dhiganeyn maadaama ee tahay kaliye 60 ilbiriqsi ama second.

Hadii ee tahay sameynta wax la xiriira jimicsi jir dhis ah ama aqrinta buug luqad af qalaad ah,habkaan shaqada marka  aad u qabaneysid makuula muuqaneyso sheey aan ku farxad galineyn ama caajis ku galiya taasi badalkeeda waxa ee kuugu beereysaa howsha qanacaad iyo farxad. Markii aad qaadid hal tallaabo markiiba,waxaa u dhaqaajin doontaa wadada aad naftaada ku dhameystireysid isla markaana aad ku gaari laheyd natiijooyin aad u waaweyn.

Waxaa muhiim ah inaad ka guuleysatid kalsooni darrada aad ku qabtid kartidaada.sidaas si lamid ah waa inaad naftaada ka xoreysaa dareenka ah inaad naftaada  dhaliileysho iyo hoos u dhigidda naftaada. Waxaad u baahantahay inaad gaartid dareen guul iyo hormar ah si aad horay uugu sii dhaqaaqdid.markii ee ku dhiiragalinayaan dareenka noocaan oo kala ah, waxaad si tartiib tartiib ah u bilaabeysaa inaad kordhisid qadarka waqtigaaga oo aad howsha oo aad naftaada u dagsatay ku qabaneysid– waxaa laga yaabaa in shan daqiiqo dheeri ah aad ku dartid,taasi oo si dhaqsi ah gaari doonto in ee isku badasho  saacad barkeeda,iyo kadib intaas waa ka sii kordhin doontaa si tartiib tartiib ah. Habkaan ,xeerka hal –daqiiqo waxa uu kuu ogolaanaa hormarka inaad arigtid adiga oo indhahaaga shanta ee yihiin.

Xeerka Kaizen waxa uu ka soo jeedaa Dalka Japan.ereyga naftiisa waxa uu kuu koobmaa labo xaraf— ‘kai’ (isbadal) and ‘zen’  (xikmad).waxaa soo hindisay nin lagu magacaabo Masaaki Imai ,kaas oo rumeysnaa in falsafadaan lagu hergelin karo si lamid ah sida ee guusha ka keeneyso ganacsiga xitaa qofka shaqsiga naftiisa.

Milicsiga koowaad, dadka qaarkood waxaa laga yaabaa in ficilkaan uu ula ekaado wax shaki ee galiyaan ama aan wax ku ool aheyn ayagoo cuskanaayo in fikirka mira dhalka ah kaliya lagu gaari karo in la qaado dadaal aad u baaxad weyn.lkn howlo baaxad weyn ,iyo barnaamijyo adag oo nafta lagu hormarinaayo  taasoo qofka ka qaadaneysa tamar badan ayaa si fudud waxa ee ku dhamaadaan in qofkii uu ku daalo isla markaana uu ka dhaqaaqo natiijo la’aan .Halka Kaizen ee tahay sheey qof walbo uu isku dayi karo si wax ku ool ah dhinac walbo oo ka tirsan nolosha.wadanka Japan waxaa badanaa loo adeegsadaa ku hormarinta farsamooyinka maamulka .

waxa kaliya aad u baahantahay waa inaad fahamto waxa aad rabtid inaad guul ka gaarto,kadibna waxaad diyaar u tahay inaad gaartid oo aad ka mira dhalisid adigoo isticmaalayo habka Kaizen.

 

W/Q:Mohamed Ahmed

Email: info@cryd.org.so